Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ugaas ku shiray magaalada Beledweyne ee Hiiraan

Saaka waxaa magaalada B/weyne shir ku qabtay oo warbaahinta la hadlay 8 ka mid ah hogaamiyayaasha beelaha oo saluugsan qaabka ay dawladda federalku u maamuleyso shirweynaha la doonayo in maamul-goboleed loogu dhiso Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ay ahayd waqtigan in shirku natiijo dhalo,hase ahatee khilaafaad iyo shakiyo jiraa ay dib u dhaca keeneen.

Hogaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ee shirka jaraa'id qabtay waxaa ka mid ahaa:

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Cabdixakiin Ugaas Maxamed Wabar Maxamed Wabar Ahmed.

haddaba Ugaas Abdurahman Ugaas Abdulahi Ugaas Mohamed oo ka mid ah salaadiintii maanta shirka jaraaid B/weyne ku qabatay ayaan telefoonka ku wareystay oo iiga waramay ujeedadii shirka jaraaid.