Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faahfaahin dheerad ah oo ka soo baxaysa weerarkii Al shabaab lagu qaaday

Kooxda Al Shabab ayaa xaqiijisay in dayaarado dagaal oo aysan cidina wadin ay weerareen saldhig ay ku lahaayeen barataamaha Soomaaliya, waxayse sheegeen in tirada khasaaraha la buunbuuniyey.

Xafiiska gaashaandhigga ee maraykanka ayaa sheegay in ay xero tababar ku dileen ilaa 150 dagaallamayaal al shabab ka tirsan, waana markii ugu horraysay ee maraykanku ku soo warramo in dayaaradahooda bilaa duuliyaha ah ay hal weerar tiro intaa le'eg ku dilaan.

Haddaba si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno sida ay wax u dheceen iyo halka ay ka dheceen ayaan la xiriirnay Cabdicasiis Duuroow Cabdi oo ah guddoomiyaha degmada Buulo Burde.