Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

dibadbaxyo ka dhacaya Paris

Waxaa maanta magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska lagu wadaa in ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo sharci qabya ah oo la xiriira dhanka shaqada iyo shaqaalaha.

Sharcigan ayaa haddii la meel mariyo waxa uu u fududaynayaa shirkadaha in ay shaqada ka eryaan howlwadeenadooda xilliga ay doonaan, sidoo kalana ay ka wada hadlaan saacadaha shaqada.

Mudaharaadyo noocan oo kale ah oo ay ardaydu ka sameeyeen Faransiiska ayaa waxa ay horseedeen in xilka ay iska casilaan madax magac ku lahaa dowladda Faransiiska.

Haddaba waxaannu khadka taleefanka ee Paris kula xiriirnay Axmed Cabdulqaadir oo ah Soomaali deggan magaaladaasi waxna ka barto mid ka mid ah jaamacadaha dalkaasi, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.