Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo yaraan ka jirta degmada Qoryooleey

Waxaa la soo sheegayaa in webiga Shabeelle uu deeganada qaar biyo yareeyay.

Degmada Qoryooley oo ka mid ah deeganada uu webigaasi maro kuna tiirsan biyaha webiga ayaa waxaa soo wajahay biyo yari baahsan.

Fuustada biyaha ayaa maalmihii ugu dambeeyay la sheegayaa in la kala siisanayay 100 kun oo shillinka Somaliga ah, oo u dhiganta 5 dollar.

Safiyo Cusman Xaaji iyo Maxamed Xuseen Axmed oo ka mid ah dadka deeggan Qoryooley ayaa waxay u warrameen Axmed Xaji Xasan.

Safiyo ayaa hadalka ku hormareysa.