Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

WFP oo cunto gaarsiisay Diinsoor

Hay'adda Cuntada adduunka ee WFP ayaa cunno gargaar ah waxa ay hawada ku gaarsiisay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa muddaba go'doonsaneyd oo waxaa daafaheeda maamula xarakada Al-Shabaab, iyadoo ay adag tahay in dhulka laga galo.

Haddaba gargaarka halkaasi la gaarsiiyay ayaa waxaannu ka wareysannay gudoomiyaha Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur, oo u warramay Xasan Cali Gelle.