Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso warbixin ku saabsan Riyad Mahrez-ka Liecester

Riyad Mahrez ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha tartanka premiership-ka England ee xilligan, isagoo u cayaara kooxda Liecester City, oo hadda hogaaminaysa tartanka.

Waxaa su'aashu tahay xagee cayaaryahanka 25 jirka Aljeeriyaanka ah uu xirfadihiisa caalamiga ah ku soo diyaariyay? Maxaa ka dhigay cayaartooy muhiim u ah kooxda Foxes (Dawacooyinka)? Mase ahaa cayaartoy ay cadayd in uu koox heer sare ah u cayaari doono?

Steve Crossman oo ka tirsan BBC World Service, ayaa u safray Faransiiska, tagayna magaalada duleedka Paris ku taalla ee Sarcelles, waa halka uu ku soo koray Mahrez.

Wuxuu aabihii u dhintay wadna xanuun, Riyad Mahrez oo 15 jir ah, iyadoo noloshuna aysan mar walba u ahayn mid fudud.