Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil naafa ah oo la gudoonsiiyay abaalmarin uu ku mutaystay howl uu qabtay

Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa waxa ay abaal marin gudoonsiisay Maxamed Cali Faarax oo ah wiil dhalinyara ah oo ololeeya arrimaha naafada.

Maxamed bartamihii sanadkii hore ayaa waxa uu bilaabay olole uu ugu magac daray "Albaabka iga fur" arrintaas oo soo jiidatay Soomaali badan oo isticmaasha baraha bulshada.

Wixii markaa ka dambeeyayna goobo kala duwan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dhismooyinka dowladda ayaa waxaa lagu soo kordhiyay goobo u gaar ah oo ay isticmaalaan dadka naafada ah, gaar ahaan kuwa lagu riixo gawaarida naafada.

Haddaba markii abaalmarinta la gudoonsiiyay kaddib ayaa Cabdifitaax Ibraahim Cagayare waxa uu khadka taleefanka kula xiriiray Maxamed Cali Faarax oo uu wareysigan la yeeshay.