Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

shirka xoola dhaqatada Kenya oo la dhaliilay

Magaalada Isiolo ee dalka Kenya ayaa shalay lagu qabtay kulan looga arrinsanayey sidii xoolo dhaqatada Kenya looga gacan siin lahaa inay xoolahooda u iib geeyaan suuqyada dibadda gaar ahaan waddamada carabta.

Kulanka waxaa ka qayb galay xukumadda Kenya oo uu horkacayey madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanda ay ku noolyihiin xoola dhaqatada.

Mujtamaca xoolo dhaqatada ayaa u arka in ay muhiim ahayd in kulanka laga qayb galiyo.

Dubbad Cali Camey wuxuu ka mid yahay odayaasha xoolo dhaqatada gobolka Waqooyi bari ee Kenya, bashkas Jug soo dhacay ayuu aragtidooda shirka uga warramay.