Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Kullanka madaxda xoola dhaqatada Kenya

Waxaa maanta magaalada Isiolo ee dalkan Kenya lagu soo gebagabaynayaa kulan ay halkaasi ku lahaayeen madaxda deegaanada xoolo dhaqatada ee dalka.

Kulankan oo ay yeesheen madaxda 14 deegaan, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisana ay ka qeybgaleen, ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatoyinka ay wajahaan xoolo dhaqatada Kenya.

Deegaanada qaar ayey bulshooyinku ku dagaalamaan daaqa iyo waraabka, iyadoo shirkanna la sheegay in lagu doonayo in dhibaatooyinka noocaas ah xal loogu helo.

Senator Bilow Kerow, waxa uu ka mid yahay ma'uuliyiinta ka qeybgalaysa shirkaasi, waxa uu u warramay Axmed Xaaji Xasan oo ugu horeyn weeydiyay wixi ay kawada hadleen iyaga iyo madaxweyanaha.