Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Musharixiinta doonaya madaxtinimada Jabuuti oo soo gabagabeeyay gudbinta codsiyadooda

Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dhawaan la soo gabagabeeyay gudbinta codsiyada musharixiinta doonaya in ay u tartamaan madaxtinimada dalkaasi doorashada guud ee dhici doonta billowga bisha dambe.

Jabuuti ayaa lagu wadaa siddeedda bisha Abril ay ka dhacdo doorasho guud.

Ilaa iyo haatan waxaa codsiyadooda u gudbiyay guddiga doorashooyinka Jabuuti lix musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha haatan xilka haya Ismaaciil Cumar Geele.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in hay’adda dastuurka ee Jabuuti ay rasmiyan ugu dhawaaqdo tirada kama danabaysta ah ee musharaxiinta u tartamaya madaxweynaimada Jabuuti.

Haddaba musharixiintan iyo xaalka guud ee siyaasadda Jabuuti, ayuu weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Bidhaan waxa uu ka wareystay Caarif Cabdi Khayre oo ah aqoon yahan reer Jabuuti ah oo ka faalooda siyaasada Jabuuti deggannaa dalka Ingiriiska.

Waxaa uuna ugu horreyn weydiiyay halka ay mareyso hawsha u diyaargarawga doorashada.