Gas
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiweli Gas: 4.5 dani uguma jirto Soomaaliya

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntlan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo maalimihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa difaacay go'aankiisii ahaa in aanay aqbalayn in wax lagu qeybsado 4.5.

Madaxwaynuhu, wuxuu halkaa kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan gobolka Minnesota.

Haddaba weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo wareysi layeeshay Madaxweynaha ayaa wuxuu ugu horayn waydiiyay bal in uu isbadalay go'aankiisii uu ku diidanaa 4.5 ee ay wada qaateen Dowladda Fadaraalka ah iyo maamul goboleeyada kale, beesha caalamkuna taageertay?