Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashooyinka isreeb-reebka musharaxiinta US

Waddanka Mareykanka waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka isreebreebka xisbiyada ee ay musharaxiinta ku doonayaan in ay ku hantiyaan tigidka xisbigooda.

Gobollada Florida, Illinois, Missouri, North Carolina iyo Ohio ayaana lagu wadaa codbixintu ay ka dhacdo.

Donald Trump ayey suuragal tahay in tallaabo muhiim ah uu u qaado sidii uu ku xaqiijin lahaa in uu ku guulaysto tigidka Xisbiga Jamhuuriga waa haddii uu guulo ka soo hooyo laba gobol ee muhiimka ah ee Florida iyo Ohio.

Haddaba weriyahayaga Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ayaa microphone-ka la dhex qaaday qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka: