Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ruushka oo howlgalkiisa Suuriya yareynaya

Ciidamada Ruushka ayaa bilaabay inay ka baxaan Suuriya kadib markii madaxweyne Putin uu shalay ku dhawaaqay inay ka baxaan.

Diyaaradihii ugu horeeyay ayaa ka tagay saldhiga Hmeimim, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Ruushka.

Masuuliyiinta reer galbeedka ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay talaabada, iyagoo sheegay inay cadaadis saari doonto dowladda Suuriya inay wadahadalka ay wado.

Hadaba, Dr Sacad Sheekh Cusmaan oo ka faalooda arrimaha carabta ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay arrintaasi