Falastiiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed

Military-ga Israel, ayaa sheegay in askartoodu ay toogteen laba Falastiiniyiin ah oo middi ku weerary haweeney Israa'iili ah.

Haweenayda ayaa ku dhaawacantay weerartay oo Falastiiniyiintu middi u adeegsadeen dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Militariga, ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhacday isgoos ku yaalla meel ka baxsan deegaanka Ariel ee Yuhuudda la dajiyay.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, ayaa Falastiiniyiin badan adeegsanayeen middiyo si ay dhibaatadooda dunida ugu soo jeediyaan.