Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qurxinta dumarka ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Intii na dhageysatay idaacadahayagii shalay ilaa xalay waxaan sii daynay shaqo la'aan ba'an oo haysata dhalinta xeryaha qaxootiyada Dhadhaab iyo xitaa bulshada deegaanka ee aan qaxootiga ahayn.

Balse isla xeryaha qaxootiga gaar ahaanna Xagardheer dumarka qaar ayaa markii shaqo la'aanta ay badatay waxa ay billaabeen in cillaan saarka ay nolashooda ku soo dhacsadaan.

Iyadoo macaamiishooduna ay tahay dumarka ay iskula nool yihiin xeradaasi.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay oo ku sugan magaalada Dadaab ayaa la kulmay qaar ka mid ah haweenkaasi waxa uuna ka wareystay cillaansaarka iyo sida ay qutul yowmka uga raadsadaan.