Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hindiya oo Pakistan kaga adkaatay ciyaartii Cricketka

Hindiya ayaa ku adkaatay ciyaar Cricket ah oo maalmahan aad loo sugayay oo ay la yeehseen Pakistan.

Ciyaartaasi oo ka mid ah tartanka caalamiga ah ee Twenty20 ayaa waxa xiisaha u yeelay ay tahay xurgufta siyaasadeed ee ka dhexeysa labada dal.

Qiyaastii hal bilyan oo qof ayaa daafaha caalamka ka daawatay ciyaartaasi oo si nabad gelyo ah ku dhacday.

Laakiin marka loo eego kooxaha gudahooda, weli Pakistan ayaa sareysa.

Duran Xasan oo ah weriye Madax banaan oo ku sugan Pakistan ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay dareenka dadka sida uu yahay