Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiiskii Turkiga iyo Yurub kaddib Soomaali weli ku sii qulquleysa Giriiga

Doonyo sida muhaajiriin ayaa waxa ay weli gaarayaan dalka Giriiga inkastoo heshiis cusub la dhaqangeliyay, kaasi oo muhaajiriinta dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in laba gabdhood oo sanad iyo laba kala jira ay dhinteen markii ay ka dhaceen dooni ay saarnaayeen oo siday 40 muhaajiriin ah.

Weriyaha BBCda ee ku sugan jaziiradda Lesbos ayaa sheegaya in muhaajiriintu ay walaacsan yihiin oo qeyb badan oo ka mid ah aanay ka warqabinba shuruucda cusub ee la dajiyay.

Haddaba dadka halkaasi dhawaantan gaaray waxaa ka mid ah Soomaali tiradooda lagu sheegay 40 qof, Maxamuud waxa uu ka mid yahay dadka halkaasi habeen hore gaaray, weriyaha BBC Suheyba Badqas ayuu khadka taleefanka ee Athens ugu warramay.