Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda qaxootiga Yemen ee Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dayrinayaa xaaladda nololeed ee kumanaanka qaxootiga reer Yeman ee ku nool magaaladaasi.

Mana ay jirto cid si gaar ah masuuliyad isaga saartay ka warqabka xaaladda ay ku nool yihiin dadkaasi.

Qaxootigan oo intooda badan soo gaaray Muqdisho mudo hadda laga joogo toban bilood ayaa waxa ay ka cabanayaan in aanay helin wax gurmad ah iyagoo haatan dalbanaya in laga caawiyo in dalkoodii ay dib ugu laabtaan maadaama wixii ay ka filayeen Soomaaliya aanay kala kulmin.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo tagay xero ku dhextaala safaaradda Yeman oo ay ku nool yihiin qaxootigaasi ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.