Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda dadka uu saameeyay cudurka shubanka ee Jowhar

Cudurka Shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa in uu faro ba'an ku hayo dadka degan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan kuwa ku nool agagaarka webiga Shabeele.

Inkabadan boqol qof oo uu soo ritay cudurkaasi ayaa la dhigay isbitalka magaalada Jowhar muddo ka yar bil, iyadoo ay jiraan caruur iyo dad waaweyn oo u dhintay cudurkaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa Agaasimaha Isbitaalka Jowhar ee Intersos Dr Cadiraxman Cali Cabdiraxman waxa uu ka waraystay xaaladda cudurka shuban biyoodka.