Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda qaaxada ee Soomaaliya

Maanta waxa ay ku beegantahay 24 Maarso, waa maalinta caalamiga ah ee cudurka Qaaxada, waxana sanadkan halkudhig looga dhigay "U midooba soo gabagabaynta cudurka Qaaxada".

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka kiisaska ugu badan ee cudurkan uu ka jiro inkastoo waayadan danbe ay soo badanayeen xarumaha lagu daweeyo Qaaxada.

Dr Sacdiyo Cabdisamad Cabdullaahi oo madax ka ah qaybta Qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan uga warantay xaaladda cudurka ee Soomaaliya.