Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhowr qof oo Soomaali ah cudur ugu dhimataydalka Angola

Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in dalka Angola ay ugu dhinteen cudurka indha-caseeyaha ee afka qalaad lagu yirahdo Yellow Fever, xilli cudurkaasi uu fara ba'an ku hayo dalkaasi.

Hay'adda Qaramada Midoobey ee caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shalay oo khamiis ahayd sheegtay in cudurkaasi oo dalka Angola ka dillaacay bishii December ee sanadkii tagay, uu ilaa haatan galaaftay nolasha ku dhawaad 180 qof , iyadoo guud ahaan uu cudurkaasi soo ritay in ka badan 450 qof.

Si aan wax badan uga ogaanno arrintani ayaa waxaan la xiriirnay guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida Angola Axmed Sheekh Nuur Faarax oo ku magac dheer iidle, Suheyba Maxamed oo wareysatay ayaa ugu horreyn weydiisay tirada Soomaalida cudurkaasi u dhimatay iyo kuwa wali la ildaran?