Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baanka Premier oo billaabay kaararka VISA

Baanka Premier ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hirgaliyay wadankaasi adeega kaararka lacagaha lagula baxo ama wax lagu iibsado ee VISA.

Heshiis dhexmaray baanka Premier iyo Shirkadda VISA ayaa u suurtagalinaysa macaamiisha haysta kaarka VISA in ay ku isticmaali karaan mishiinada ATM-yada baanka Premier ee yaala Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay madaxa hawlfulinta baanka Premier Cabdirisaaq Maxamad Axmad, wuxuuna marka hore weydiiyay bal in uu sharaxo adeegan cusub ee ay soo kordhiyeen......