Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halaga qaybqaato gurmadka abaaraha'

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bixinayso hal milyan oo dollar si loogu gurmado dadka ay abaaruhu ku dhufteen qaar kamid ah gobolada dalka.

Shir ay la qaateen gudiga abaaraha ee xukuumadda xubno ka tirsan bulshada rayidka ayaa dadka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay ka qaybqaataan gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan oo ka qaybgalay shirkaasi jaraa'id ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.