Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Dekedda Berbera oo ay faafaahin ka soo baxday

Xog dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa heshiis ay dhawaantan magaalada Deba Zeit ee dalka Itoobiya ku kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa waxa ay gaareen heshiis cusub oo ku saabsan sidii Itoobiya oo aan bad lahayni u isticmaali lahayd inay badeecadaha kala soo degaan dekedda weyn ee magaalada Berbera xilli qeybo ka mid ah Itoobiya ay abaaro ka jiraan.

Maareeyaha guud ee dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, oo dhinaca dawladda Somaliland u saxeexay heshiiskan ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen markii uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayuuna halkaa ugu warramay oo marka waxa uu heshiiskani ku saabsanyahay?