Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Suxufiyiin qurba joog ah oo ka hadlay dib u habeynta Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Dhowaan waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto shirweyne lagu aasaasaayo ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ururkaasi oo laba garab u kala jabnaa intii muddo ahba ayaa dhowaan la isku dayay in xal loo helo taasi oo la sameeyay guddi dhexdhexaadiya kana shaqeeya sidii loo sameyn lahaa urur loo wada dhan yahay.

Haddaba Weriyayaasha Soomaalida ee qurbaha gaar ahaan dalalka Holland iyo UK, ayaa isugu yimid toddobaadkan kulan ay aragtidooda uga dhiibanayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada jirta iyo weliba talooyinka ugu habboon ee loo heli karo urur madax banaan oo matala dhammaan weriyayaasha Soomaaliyeed.

Haddaba waxaannu arrintaa ka wareysannay qaar ka mid ah xubnihii kulankaasi soo qabanqaabiyay oo kala ah Cabdiweli Ibraahim Garyare iyo Cabdixakiim Cabdi Ismaaciil, Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareystay ayaa waydiiyay ujeedkooda.