Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay qaab cusub oo ay ku badelayso heshiiska 'new deal'

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay cusbooneysiin doonin heshiiska 'new deal' marka uu xilligiisa dhammaado bisha August ee sanadkan.

Dowladdu waxa ay sheegaysaa in ay hannaankaa ku badelayso qorshaha horumarinta qaranka.

Arrintan waxaa BBC u sheegay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte, oo hadda magaalada Stockholm ee dalka Sweden uga qeybgalaya shir caalami ah oo looga hadlayay qorshahaasi loogu magacdaray New Deal.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay dalalka deeqda bixiya ee kaalinta kulahaa naqshadeynta qorshahaasi iyo wadammada qaatay New dealka oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa telefoonka ku wareystay wasiir Cabdiraxmaan Caynte.