Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar xjiaab iyo niqaab xiran oo Soomaali ah oo lagu aflagaadeeyay London

Muuqaal naxdin leh ayaa waxaa laga duubay nin u gafaya haweeney Soomaali ah oo ku sugnayd dukaan ku yaal galbeedka London.

Muuqaalkaasi oo muujinaya ninkan oo cay iyo erayo aflagaada ah isugu daraya gabadhaasi ayaa waxa uu ku baahay baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan.

Gabadha falkan foosha xun la kulantay oo ah 25 jir lagu magacaabo Axlaam Saciid, ayaa waxa ay ku labisneyd xijaab iyo niqaab ama indha-shareer, xilli ay macmacaan ay ka gadanaysay dukaanka.

Qaar ka mid ah wargeysyada Ingiriiska ayaa ka warramay aflagaado loo gaystay haweenay Muslimadda ah ee niqaabka xirneyd.

Ninka waxa uu gabadha ku tilmaamay in ay maasgaraati tahay isagoo ku celcelinayay maxaad u xiran tahay waxan?

Farxaan Maxamed Jimcaale ayey u suuragashay inuu la hadlo Axlaam Saciid oo marka waxa uu waydiiyay sida ay wax u dhaceen?