Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wafdigii gurmadka abaarta Muqdisho oo ka warramay waxa ay ku soo arkeen Somaliland

Wafdigii gurmadka abaarta ee Muqdisho uga tagay inay u gurmadaan abaarta ka jirta gobollo ka tirsan Somaliland ayaa ka hadlay waxa ay kala kulmeen shacabka iyo dawladda Somaliland ka hor intii aanay ka dhoofin Hargeysa.

Wafdigaasi ayaa waxaa casho sharaf loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ee Hargeysa ee fadhiga u ah Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Haddaba gudoomiyaha wafdigaasi Maxamed Xasan Xaad, ayaa waxa uu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.