Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ismaaciil Cumar Geelle maxaa la gudboon mar haddii dib loo soo doortay?

Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay sheegaysaa in markii afraad dib loo soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arrimaha gudaha, Xasan Cumar, ayaa saaka aroortii kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka natiijada ka soo baxday doorashadii Jimcaha.

Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka markii ugu horreysay qabtay sanadkii 1999, ayaa waxa uu helay boqolkiiba 86 natiijada lagu dhawaaqay.

Saddex xisbi oo mucaarad ah ayaa waxa ay qaadaceen doorshada.

Hadaba Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha Afrika, ayaa waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.