Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqor Salmaanka Sucuudiga iyo Sisi-ga Masar oo maanta kulmaya

Waxaa maanta lagu wadaa in boqor Salmaan Bin Cabdulcasiiska waddanka Sacuudiga uu magaalada Qaahira wadahadalo kula yeelan doono Madaxweynaha waddanka Masar, Cabdulfataax Al-sisi.

Qaahira ayaa waxa ay cadaynaysaa sida ay u doonayso in ay u xoojiso xiirka kala dhaxeeya waddanka ugu awoodda badan wadammada Khaliijka.

Waa booqashadii ugu horreysay oo tan iyo markii la caleema saaray uu boqorku ku tago dalka Masar, iyadoo Sacuudiga uu sare u qaaday taageerada dhaqaale ee uu siiyo xukuumadda waddankaasi.

Haddaba waxyaabaha ay maanta labadaasi mas'uul ka wadahadlayaan ayaa waxaannu ka wareysannay Cabdullaahi Adeec oo ah weriye madax banaan oo degan magaalada Qaahira, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.