Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaabka ay u shaqeyso kulliyada culuunta badda ee Berbera

Kulliyada culuunta badda ee magaalada Berbera ayaa waxaa ka qalin jebisay ardeydii ugu horeysay, oo qaarkood ay hadda ka hawlgalaan maraakiibta, dekedda, iyo wakaaladaha hawlaha maraakiibta.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo dhawaan booqday Berbera ayaa wuxuu wareystay gudoomiye ku xigeenka kulliyadaasi, Cabdilqaadir Xuseen Cabdulle iyo Cali Maxamed oo wax ka dhiga kulliyaddasi.

Ugu horeyn wuxuu weydiiyay gudoomiye ku xigeenka waaxaha ay ka koobantahay kulliyada culuunta badda?