Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'an ka jirto Afmadow

Ayada oo qeybo ka mid ah Soomaaliya uu ka curtay roobka gu'ga, ayna ku diirsadeen dadka, ayaa waxaa weli jira deegaanno ay ka taagan yihiin abaar iyo biyo la'aan.

Waxaa deegaannadaasi ka mid ah magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose, halkaasi oo laga soo sheegayo biyo la'aan saamaysay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.

Muuse Macallin Aadan waa gudoomiyaha degmada Afmadow, waxuu u warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.