Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaasha Hargeysa oo ka cabanaya roobka

Ayada oo uu magaalada Hargeysa ka curtay roobka gu'ga, ayaa waxaa xaalad adag ay lasoo daristay dadka barakacayaasha ee ku nool xaafadaha cooshadaha ka sameysan ee magaaladaasi.

Dadkaasi oo kumannaan qoys ah ayaa ka cabanaya in aanay haysan hooy wanaagsan oo ay ka galaan roobka iyo qabowga uu wato.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay xaafadda ugu weyn ee ay ku noolyihiin dadkaasi, warbixintan ayuuna inooga soo diray.