Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka maamul u sameynta Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan oo furmay

Ayada oo ay bilooyin yar ka harsan yihiin xilliga loogu talagay in doorasho ay kaga dhacdo Soomaaliya, ayaa waxaa hadda ka socda magaalada Jowhar wajiga labaad ee shirka maamul goboleed loogu sameynayo gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Maamulkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhamaystiraya hannaanka federaalka ee dalka loo dejiyay, waxaana uu ka mid yahay maamulada qeybta ka qaadanaya doorashada dhacaysa.

Shirka Jowhar waxaa furay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa, waxaana uu khadka telefoonka ugu warramaya weriyaha BBC Axmed Xaji Xasan.