Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayaal diiday shirka ka furmay Jowhar

Dhanka kale qaar ka mid hogaamiyayaasha dhanka ee gobolka Hiiraan ayaa saluugsan shirka ka socda Jowhar, waxaana ay sheegeen in shir nabadeyn ah uu uga socdo magaalada Beledweyne.

Odayaasha ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ah ay kala hadleen cabashooyinkooda, balse aanay wax natiijo ah ka helin.

Afhayeenka shirka Beledweyne Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec, ayaa Axmed Xaji Xassan uga warramay waxa ay diidan yihiin.