Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa loo heli la’ yahay gabdhihii Chibok?

Maanta waxaa laba sano laga joogaa markii dagaalyahannada Boko Xaraam 276 gabdhood ay ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee Waqooyi Bari Nigeria.

57 ka mid ah gabdhahaasi ayaa soo baxsaday, balse ilaa hadda waxaa la la’ yahay 219 kale.

Haddaba laba sano ka dib maxaa weli gabdhaha Chibok loo la' yahay?

Su'aashaashi iyo kuwo kale ayay Suheyba Maxamed weydiisay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka fallaada arrimaha Afrika.