Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntalnd oo ammaankeed adkaysay

Maamul goboleedka Puntland ayaa wada qorshe uu wax kaga qabanayo xaaladda amniga, ka dib dagaalladii uu bishii hore la galay xooggaga Al Shabaab.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Puntland ay magaalooyinkeeda ku soo kordhisay askar dheeraad ah si ay uga feejignaato weerarro uga yimaada Al Shabab.

Taliyaha booliska ee Puntland S/guuto Cabdirisaaq Maxamuud ayaa arrimahaasi uga warramay weriyaha BBC Farah Lamaane, isagoo marka hore ka hadlaya waxa uu yahay qorshaha xagga amniga ee ay wadaan.