Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad rayid ah oo lagu laayay Buulo Mareer

Afar qof oo rayid ah oo la socday gaari yar ayaa lagu rasaaseeyay duleedka magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhamaan dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay waxana ku jiray hooyo da'ah iyo ilmo yar oo sagaal jira.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilkaasi ayaa ka dhacay Buulo Mareer, waxana dadka deeganku ku eedeeyeen ciidamada AMISOM in ay si ula kac ah u laayeen dadkaasi kadib markii ay gaari kala dageen.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay Cabdiwaaxid Macalim Ibraahim oo hooyadii iyo gabadh uu dhalay oo sagaal jir ahayd ay kamid ahaayeen afartii qof ee la dilay, wuxuuna marka hore weydiiyay sida dilkaasi u dhacay.

Audio

Xiriiro aan la samaynay AMISOM ilaa hadda nooma suuragalin in aan helno