Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhulbeereedka Puntland iyo dalagga lagu beyro

Puntland marka dadka qaar ay maqlaan waxaa suuragal ah inay ka fakaraan dhanka kalluumeysiga iyo xoolo dhaqatada, laakiin waxa ay leedahay dhul beereed.

Laakiin markii abaaraha ama fatahaadaha ay soo noqnoqdeen wasaaradda beeraaha iyo waraabka ee Puntland waxa ay bilowday inay dadka ku wacyigeliyso inay beeraha tacbadaan.

Dadka xoolo dhaqatada ayaa dhowaanahan qeyb ka noqonaya tacabka beeraha, si ay ugu badbaadaan marka abaaraha ay jiraan ama fatahaada ay dhacaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Pun tland, siciido xuseen cali, ayaa Axmed Xaji Xasan uga warrantay arimahaasi.