Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarunta xanuunada dhimirka ee Hargeysa oo la ballarinaayo

Qaybta daaweynta cudurada dhimirka ee cisbitaalka guud ee magaalada hargeysa ayaa markii ugu horeysay in ka badan afartan sano waxaa laga wadaa dhismayaal ilaa 16 qol oo bukaanku ay jiifsadaan loogu talo galayo.

Dad ku nool dibedda iyo gudaha ayaa tabaruc ahaan ugu deeqay dhismayaashaasi oo ka mid ah urur lagu magacaabo {somaliland mental health org}.

Weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid cige ayaa tegay cisbitaalka oo ka wareystay dhismayaashan cusub iyo xaalada dadka xanuunada dhimirka qaba ee hargeysa xilligan roobabku da'ayaan maamulaha qaybta dhimirka ee cisbitaalka hargeysa Dr; Musdafe Xuseen Xirsi?