Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay badda

Warar laga helayo dalka Masar waxa ay sheegayaan in doon siday dad badan oo tahriibayaal ah oo tiradooda aan la xaqiijin.

Waxa ay wararka qaar sheegayaan in qiyaastii 400 oo qof ay doonta siday, oo u badan Soomaali.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waxa ay xaqiijisay in doontaan ay degtay, laakiin lama garan karo tirada saarneyd iyo inta ku dhimatay iyo tirada ay Soomaalida ah.

Waxaa baraha bulshada lagu baahinayaa sawirada dhallinyaro la sheegay inay kamid yihiin dadka ku dhintay doontaasi qallibantay.

Dadkan tahriibayaasha ah waxay ku wajahnaayeen dalka Taliyaaniga, waxayna ka ambabexeen dalka Masar.

Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda. Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.

Qadka telefoonka ayey Axmed Xaji Xasan ugu warrantay.