Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin ka badbaaday doon ku degtay badda

Koox kabadan 40 qof oo Bariga Afrika ka tahriibay, ayaa la badbaadiyay ayagoo isku deyaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Waxa ay sheegeen in boqollaal qof oo ay isla socdeen ay qarqameen kaddib markii ay degtay doonta.

Dadka ka badbaaday, oo hadda lagu hayo dalka Giriigga waxa ay BBC-da u sheegeen in 200 oo kamid ah ay ka soo safreen dhanka Liibiya.

Waxa ay sheegayaan, markii ay bartamaha badda gaareen, in dadkii soo tahriibiyay ay u sheegeen in doon kale ay ku wareegaan, middaas oo horey ay u saarnaayeen qiyaastii 300 oo qof oo kale.

Waxa ay sheegayaan in doonta ay degtay habeen barkii, kaddibna waxaa badbaadiyay Markab ganacsi.

Maamul arrintaasi weli xaqiijiyay majiro, hay’adda qaxootiga ee UNHCR waxa ay Tweeter keeda ku qortay in wararkaasi ay u muuqdaan kuwa aan sax ahayn.