Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

32 kun oo qoys oo ka faa'iidaystay gurmadkii abaaraha Awdal

Taakulaynta abaaraha ka jiray gobolka Awdal ee Somaliland waxaa hormood u ahaa gudi ka kooban culimaau'diin, madax dhaqameed, aqoonyahanno, iyo mas'uuliyiinta dawladda ka tirsan oo ka kooban shan iyo toban xubnood.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka abaarta ee gobolka Awdal, Sheekh Maxamed Daahir Dhawal, ayaa sheegay inay laba iyo soddon kun oo qoys ay u gurmadeen.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa gudoomiyaha ku wareystay magaalada Boorama.