Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Itoobiya oo Galmudug eedaysay

Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in malayshiyo ka timid Soomaaliya in ay weerartay deegaanka Daac-dheer ee Gobolka Doollo.

Hogaanka Nabadgalyada Yaasiin Cabdi Waris ayaa sheegay in dablaydaasi ay dad shacab ah laayeen, haddaba si aan wax badan uga ogaano arrintaas wariyaha BBC Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayaa hogaanka khadka taleefanka ku waraystay, ugu horaynna wuxuu waydiiyay bal siday wax u dhaceen.