Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalada Wajeer oo ku tallaabsatay horumar la taaban karo

Saddex sano kaddib markii Kenya laga dhaqan galiyay niddaamka is-maamul-goboleedyada, maxaa u hirgalay deegaanada Soomaalida Kenya?

Nidaamkan ayaa danta laga lahaa waxa uu ahaa in maamulka iyo adeegyada dawladda dhexe loo dhaadhicyo degmooyinka.

Haddaba meelaha ka faa'iiday nidaamkan waxaa ka mid ah deegaanka Wajeer oo markii ugu horreysay magaalada laga dhisay laami 28 km ah, kaasi oo u sahlay dadka qaba baahiyaha gaarka ah in ay si fudud ugu dhaqdhaqaan gudaha magaalada.

Bashkas Jugsodhacay ayaa u kuurgalay umuurtaasi warbixintan ayuuna inooga soo diray.