Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadkii ku barakacay abaartii Awdal oo deegaanadoodii dib ugu laabanaya

Qulujeed oo ahayd xaruntii ugu weyneyd ee taakuleynta dadkii abaartu haleeshay ee gobollada Awdal iyo Selel ayaa rasmi ahaan loo xiray Axaddii la soo dhaafay.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ilaa 1700 qoys oo ku jiray xaruntaasi la siiyay raashin si qoys waliba uu u gaadho deegaankiisii mar hadii roobabkii gugu da'een.

Weriyaha BBCda, Axmed Saciid Cige, oo maalmahan shaqo u jooga gobolkaasi Awdal ayaa booqday xaruntaasi Qulujeed ee galbeedka magaalada Borama isagoo la hadlay qaar ka mid ah dadkii ku jiray xeradaasi oo ka sii guuraaya iyo masuuliyiinta degmadaasi, wuxuuna nooga soo diray warbixintan.