Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Olole lagu dhiirigalinayo waxbarashada gabdhaha oo Soomaaliya ka socda

Ifraax Cabdinuur Faarax, waa gabadh Soomaaliyeed, waxa ay u istaagtay sidii ay uga mira dhalin laheyd waxbaridda gabdhaha yaryar, waxa ayn bilowday olole wacyigelin ah oo ay ku horumarinayso waxbarashadooda.

Ifraax oo ololaheeda uu saldhig u yahay magaalada Garoowe ayaa haatan waxa ay socdaal ay ugu magacdartay dhiirigalinta iyo kor u qaadida waxbarashada gabdhaha, ka qaybgalka siyaasadda iyo fursadaha shaqo waxa ay ku maraysaa magaalooyin Soomaaliya ka mid ah.

Ifraax hadda waxa ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ugu warrantay weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan.