Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Howlwadeenada caafimaadka oo ku yar isbitaalka Wajeer

Magaalada Wajir waxa ay ka mid tahay deegaanada ay shaqaale badan oo caafimaadka ah oo ka soo jeeda qeybaha kale ee Kenya ay isaga baxeen iyagoo ka cabsi qaba weeraro uga yimaada dhanka Al-shabaab.

Ku dhawaad 200 oo howlwadeen caafimaad ah ayaa magaaladaasi banneeyay, arrintaasi oo culayska ku sii kordhisay adeegyada caafimaad oo markii horaba uu aad u liitay.

Haddaba saameynta ay arrintaasi yeelatay deegaankaasi waxaa u kuurgalay weriyahayaga Bashkas Jugsoodhacay oo warbixintanna Wajeer inooga soo diray.