Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Awdal oo kaalin muhiim ah ka qaatay gurmadkii abaaraha

Haween mutadawaciin ah oo is abaabulay ayaa gurmadkii abaarta iyo waxyeelladii daadadku dadkii ay saameeyeen kaalin weyn ka qaatay gobolka Awdal.

Faa'iza Xaaji Saciid Sheekh Xasan oo ah gudoomiyaha haweenkaasi ayaa sheegtay inay maalin keliya ururiyeen lacag iyo kaalmo kale oo u dhiganta boqol iyo konton kun oo doollar .

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo shaqo u joogay maalmahan deegaanada galbeedka Somaliland ee abaartu ka dhacday ayaa Faa'iza Xaaji Saciid kula kulmay magaalada Boorama, halkaana ku wareystay.