Xaaladda nololeed ee Daraya oo laga dayriyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xaaladda bini'aadamnimo ee magaalada Daraya oo laga dayrinayo

Saraakiisha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaaladda bini’aadamnimo ee ka jirta magaalada Daraaya ee waddanka Suuriya ay tahay mid aad u xun.

Xiriiriyaha Howlgallada gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay, Stephen O'Brien, ayaa u sheegay weriyayaasha ku sugan magaalada Geneva in howlgal qiimeyn ah oo la sameeyay todobaadkii la soo dhaafay lagu ogaaday in ay magaalada ka jiraan cunno yari baahsan, biyaha la cabo iyo dawada oo gabaabsi ah.

In ka badan saddex sano ayaa magaalada ayaa waxaa go’doomin ku hayay ciidammada dowladda.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Suuriya aanay ka soo jawaabin codsiyo aan tira lahayn oo ay ku dalbadeen in loogu ogolaado in ay gargaar halkaasi ku gaarsiiyaan.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku baaqday in si degdeg ah ay galaangal ugu yeelato magaalada Daraya.